Bissmillah – Ciidamada Difaaca Puntland Oo 11-kii bilood ee u dambeeyey waday hawlgalo ka dhan ah kooxaha Argagixisada Daac!sh Ayaa Mudooyinkii u Dambeeyey Kusii Siqayey Wajiyadii u dambeeyey hawlgalkan ka Dhanka Kooxda Daac!sh.
Sida Ay Baahisay warbaahin Balidhidin Media 72 saac Ee Lasoo Dhaafay Dawlada Puntland Ayaa Asbuuc ka Hor Ciidamo Kasoo Saartay Dhanka Badda Gacanka Cadmeed , Ciidanka Oo Durbadiiba Bilaabay Hawlgalkooda Ayaa Isku Fidiyey Buuraha Ku Teedsan Deegaanka Bacaad Oo Ka Tirsan Degmada Bosaso .
Ciidanka Dhanka Buuraha Bacaad kasoo Baxay Ayaa Iyagu Hawlgalkooda kusoo Kala Bixiyey Deegaanada Karin Qaluuleed , Dinowga , Shakakow ilaa Ay Maanta kasoo Gaareen Bakuuje Dusheeda Sare Oo Ay Ka Heleen 3 Xubnood Daac!sh Kuwaas Oo Ay 2 kamida Dileen Halkan Mid kale uu Baxsaday
Isla Bakuuje waxa iyana Saaka Dhanka Kale Saaka Kasoo Degay Guuto kale Oo iyadu 3 bil Ka Hor ka timid Dhanka Deegaanka Dasaan Ee Toga Jaceel waxana Ay Hor Socdeen Wadada Dasaan ilaa Bacaad Oo Iyadu Meel Gabogabo Ah Maraysa , Labada Ciidan Ayaa Maalmaha Soo Socda Wada Fulin Doona Hawlgalo Wadajir Maadaama Bakuuje Lagu Tuhmayo Firxad Amiiradii Argagixisada Daac!sh.
Dhanka Dhaadaar Aroornimadii Hore Saaka Aaya Lagu Warhelay Miino Xoogan Oo Ka Kacday Meel u Dhaxaysa Deegaanada Dhaadaar iyo Sheebaab Ciidanka Oo Goobta Gaaray Ayaa ugu Yimid Xayawaanka Dawacada loo yaqaano Oo Ay Miinadu Ku Kacday.
isla Aroornimadaas Ayey Ciidanku Ka Dabatageen Kooxdii Aastay Miinada waxana ay Barqadii Hore ku Gaareen Deegaanka Daboorad Oo 10km u Jira Halkii Ay Miinada Ku Aaseen , Dagaal Kooban Kadib waxa la Dilay Amiirkii Kooxdaas Watay , Waxana laga Qabtay Qalab uu Watay Oo ka Koobnaa Qalabka Miinada lagu Xirxiro iyo Remotes lagu Hago Miinooyinka
Ciidanka Difaaca Puntland Ayaa Soo Bandhigay Dhamaan Sawirada Maydadka Argagixisadan La Laayey , Ciidanka D ayaa Wacad ku Maray in aan Hawlgalku Joogsan Doonin ilaa Midka u Dambeeya Laga Dilo Argagixisada Daac!sh.
