Home » Puntland Hab Ay Dhaqaale Ku Helaan Kooxaha Argagixisadu

Puntland Hab Ay Dhaqaale Ku Helaan Kooxaha Argagixisadu

Puntland || Kooxaha Argagixisada Oo Dhagartooda Badan tahay Ayaa wax jirta In Ay Sameeyaan Hab walba Oo Ay Dhaqaale Ku Heli Karaan iyaga Oo Marwalba ka Ganacsada Dareenka Bulshada iyo Caadooyinka Soo Jireenka Ah.

Sida Xaqiiqda Ah Bulshada Somalida Dhexdeeda waxa Caadi ah in Qof Masjid ka istaago isaga Oo Bulshada Muslimiinta Ah Garab waydiisanaya Ama in Wadaadka/imaanka Masjidku uu Sheego in Qof Aan Rabin in wajigiisa la Arko uu Rabo Caawinaad Sidaasna Lambar ama Akoon loo yeeriyo.

8 bilood Ka Hor xilli Maxkamada Puntland uu Kasoo Muuqday nin Shabaab Ka Tirsan Ayaa Xeer ilaaliyahu Uu Sheegay in Ninkan Uu Mudo Ku Dhex Noolaa Bulshada Magaalada Qardho isaga Oo Hadba Masjid inta uu Tujiyo Kadibna Markii Salaada Laga Baxo Ayuu Yeerin jiray Lambarkiisa Oo uu Ku Sheego inuu Yahay Qof Muslin ah Oo Aan Rabin in Wajigiisa La Arko.

Xilligan Oo Kooxaha Argagixisada Ee Puntland Ka Dagaalama Ay Wajahayaan Xaalad Dhaqaale Xumo Oo Daran , loona Badinayo in Xubnaha Somalida Ah Ay Magaalooyinka Waawayn Ku Dhuumaalaysanayaan Ayaa waxa Soo Badanaysa Ururinta Lacago Masaajida Laga Dhex Sheegayo in Dad Wajiyadooda La Qarinayo Lagu Garab istaagayo .

Halkan Mararka Qaar Dadka lacagaha Ururiya Ay Sheegaan in Dugsiyo wax Loogu Qabanayo Balse xaqiiqada jirta Ayaa Ah in aan wax Cadayn Ah Laga Reebin ama Aysan Jirin Cid Dabagal ku Samaysa Dhaqaalahan.

Gabagabo Dad Shacab Oo Xogtan Lasoo wadaagay warbaahinta Balidhidin Media Ayaa laamaha Amniga Puntland Ka Codsanaya inay Fiiro Gaar ah u yeeshaan Dhacdooyinka Noocan Ah .

Balidhidin Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *