Puntland Sanad walba Xilligan iskuulada Puntland Ayaa Sameeya Barnaamij Ay Ku Sheegeen Kala Shaandhaynta Ardayda , iyaga Oo Kasoo Xusha 10 Arday kuwaas Oo Si Gaar ah Ay Macalimiinta & Mamulku ugu Dadaalaan Si Ay Kaalmaha Hore Ee Puntland ugu Tartamaan.
Arrintan Ayaa Noqotay Caado Ay Iskuuladu Joogteeyaan halka Ay Niyad jab ku Noqoto Kumanaan Arday Oo Rajo Ka Lahaa Inay kasoo Muuqdaan Kaalmaha Hore Ee Imtixaamaadka Puntland iyo kuwo Kale Oo Fahamkoodu Hooseeyo Oo u Baahan Ka warqabid Dheeraad ah.
Ardayda uu iskuul walba sida gaarka ula dadaalo ayaa u dhaxaysa 5 ilaa 10 Arday tan ayaana sabab u noqotay kororka Dhicitaanka Ardayda Puntland Madaama Aan Cidi Xil iska Saarayn kuwo liita Ama Fahamkoodu Hooseeyo.
Wasaarada waxbarashada Puntland Ayey Waalidka iyo Ardayduba Ku Eedeeyaan inaysan ka Warqabin Xaaladaha iyo Duruufaha ku Gadaaman waxbarashada Da’yarta Puntland .
Dhalinyarada Puntland ayaana Sanadihii u Dambaysay wahahaysa Shaqo la’aan Baahsan halka Ay Soo Badanayaan kuwa Tahriibaya si Ay Nolol Midan Ka Wanaagsan u Helaan .
Sidee Loo Yarayn karaa Shaqo La’aanta , Sideese Loo Tayeyn Karaa waxbarashada Puntland waa Suaalaha u Baahan Jawaabo ku Haboon. ??
